Ciidanka booliska dalka Uganda ayaa ka digay weerarro argagixiso oo Xarakada Al-Shabaab ay ka fuliso xarumaha waxbarasho ee dalkaas.
Taliyaha ciidanka booliska Uganda Jeneraal Kale Kayihura ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ku sheegay in ay heleen xog ku aaddan in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weerar ay ka fuliso xarumaha waxbarasho.
Wuxuu tilmaamay in maamullada xarumaha waxbarasho laga doonayo inay muujiyaan feejignaan, iyagoo kaashanaya laamaha amniga oo heegan la galiyay.
Guddiyada ammaanka ee xarumaha waxbarashada ayuu u jeediyay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka, si looga hortago dhibaato ay geysato kooxda Al-Shabaab.