Dooni sida dad ka soo cararay Dagaalada Ka socda wadanka Yemen ayaa ku soo xiratay Dekada Magaalada Jabuuti.
Dadkan oo u badnaa qaxoontigii Soomaalida ah ee ku dhaqnaa dalka Yemen ayaa waxa dhinaca kale wehelinayay Fanaanka caanka ah ee Axmed Naaji Sacad.
Al-fanaan Axmed Naaji Sacad ayaa uga mahad celiyay Dawlada Jabuuti qaabka fiican ee ay ugu qaabishay dalkeeda, waxaanu xusay in ay tahay wax aad loogu farxo.
Soomaalida iyo ajanabiga kale ee ku sugan dalka Yemen ayaa iskaga baxay, waxaana hada dalkaasi kasoo cararaya dadka u dhashay dalka Yemen.




