Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ka hadashay sababtii albaabada la isugu dhiftay Idaacada Shabelle oo maalmo ka hor dib hawada ugu soo laabatay kadib muddo todobo bilood oo ay xirneyd, iyadoo ciidamada Nabadsugida ay xabsiga dhigeen agaasimihii idaacadaas iyo wariye Axmed Cabdi Xasan.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in Idaacada loo xiray markii ay sii daayeen codka Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere, kaasoo ku saabsanaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo dabley ka tirsan Al-Shabaab weerareen Khamiistii la soo dhaafay.
Hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa
Halkano hoose kaga dhegeyso mobilkada
afhayeenka wasarada amniga mobil