Dhegeyso:-Odoyaasha Buurdhuubo oo ku Baaqey in la joojiyo wada xaajoodka lagula jiro Maamulka KMG ee Jubba

0
218

gedoKulan Balaaran oo maanta magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ay ku yeesheen Maamulka Degmada ,Odoyaasha dhaqanka ,Waxgarad ka deegaanka ayaa looga wada hadley xaaladaha cakiran ee ka taagan magaalada Kismaayo iyo howsha xulista Baarlamaanka Jubboland iyo diidmada laga muujiyey degmada Buurdhuubo in ay ka mid noqoto degmooyinka Gobolka Gedo,iyadoo dhibaatooyinkaasina ka qeyb galayaasha kulanka ay ku eedeeyeen Maamulka Axmed Madoobe.

Cali Xasan oo ka mid ah Odoyaasha Buurdhuubo oo kulanka ka dib la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay kulankooda in ay ka soo baxeen Qodobo ay ka mid yihiin Ergada Beesha SADE ee ku sugan Magaalada Kismaayo in ay dib ugu soo laabtaan Gobolka,si looga wada arinsado waxa ka soconaya Magaalada Kismaayo oo uu tilmaamay in Beesha SADE ayan u cuntami karin.

“Baarlamaan yaa loo xulayaa ma dadka uu Kismaayo dadkoodii ku leynayo baa doonaya inay Baarlamaan ka noqdaan? jawaabtu waa maya ,Buurdhuubo oo wadata Degreetadii Dowladii hore ee Maxamed Siyaad 1989,Degmo ma ahan,Salagle oo ahayd Helo ay Xoolaha ka cabaan waa degmo, ma ahan wax aan aqbali doono ayuu sidoo kale hadalkiisa raaciyay Cali Xasan.

cali xasan oo ka mid ah Odoyaasha degmada Buurdhuubo ok

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkaada

cali xasan oo ka mid ah Odoyaasha degmada Buurdhuubo ok mobil