Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay inaysan jiri doonin xilli kororsi ay sameystaan madaxda dowladda Somalia marka uu xilligooda dhammaado, isagoo rajo ka muujiyay in sannadka 2016-ka doorasho ka dhacaan Somalia.
Danjire Kay ayaa xusay in wixii ka dambeeya Ogoosto 201-ka aanay Beesha Caalamka aqbali doonin in muddo kororsi ay sameystaan madaxda Somalia marka uu xilligoodu dhammaado.
Sidoo kale, ergayga ayaa intaas raaciyay inuu aaminsan yahay in dowladda Soomaaliya ay waxyaabo badan qabatay, isla markaana lagu amaani karo intii xukunka haysay iyo sidoo kale howlihii kala duwanaa ee ay soo qabatay.
Wakiilku wuxuu intaas ku daray in sanadkan billowga ah ee 2015-ka ay howsha ugu badan u taalo dowladda Somalia sida sameynta maamul-goboleedyada dalka iyo sidii loogu qaadi lahaa afti dastuurka qabyo-qoraalka ah iyo xasilinta ammaanka dalka.
So lastaba arintu ha ahaatee hadalka kasoo yeerey wakiilka qaramada midoobey ayaad waxaad moodaa in uu asaga yahay hey’ada ugu sareysa dalka, Hadalka wakiilka qaramada midoobey ayaa waxaa la moodaa in uu asaga diidi karo ama ogolaan karo waqti ku darsiga xukuumada.
SOMALIA IS FOR SOMALI Samanteda iyo Xumateda Somali Somaliba leh Wadan Sovrano ah ayaa nahay nin Wakil ah sidan wadankena uu mamulan la’hayn lagalama tashanayo namana Xukumayo waa lagu dara dii la rabo asagana lagalama tashanayo hadey rabaan ha iska bahaan Gumeysi cusub waa didey Somali
Comments are closed.