Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Somalia ay ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar oo uu dhismaheedu socday muddo labo sanadood ah.
Sharma’arke iyo wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa ku ammaanay safiirka iyo shaqaalaha safaaradda dadaalka ay ku bixiyeen dhismahan cusub ee safaaradda Somalia.
Danjiraha Somalia ee dalka Qatar, Cumar Idriis ayaa ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa uga warbixiyay howlihii kala duwanaa ee lasoo maray intii lagu gufda jiray dhismaha cusub ee safaaradda.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa isna ku dhiirri-galiyay mas’iiliyiinta iyo shaqaalaha safaaradda inay mar walba isku howlaan u adeegista danaha shacabkooda Soomaaliyeed; isla markaana ay horumariyaan shaqada safaaradda si ay ugu adeegto danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.