Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in ay dishey hor jooge ka tirsan Kooxda alshabaab oo lagu magacaabi jiray Adan Garar.
Aqalka Pentagonka Mareykanka ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray dayuuradaha aan cidna wadin ee droneska loo yaqaan lagu dilay hor joogahaasi oo Weerarkaasi Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay meel u dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Horjooge Aadan Garar ayaa la ku lug lahaa sida la sheegey weerarkii lagu qaaday xarunta laga tukaameysto ee West Gate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013,
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in horjoogahaasi la diley uu muhiim u ahaa Kooxda UGUS iyadoo uu u qaabilsanaa isku xirka howlgalada ay dalalka dibada ka sameeyaan kooxdaasi gabalkoodu uu sii dhacay.