Dowlada Mareynkanka ayaa si KMG ah u xirtay Safaaradii ay ku lahayd dalka Jabuuti,waxaana Talabadaasi Mareynkanka uu ku tilmaamay mid dib loogu eegayo amniga safaaradda,sida Saraakiil Mareynkanka ay shaaciyeen.
Safaarada Geeska Africa ayaa la xiray laga bilaabo maanta oo khamiis,iyadoo dib loo furi doono maalinta Axada.
” Waxaan si joogta u heleynay warbixino,waxaana go’aansanay in dib u eegno amaankeena iyo qatarta nagu soo wajahan,” sidaasi wariyaasha Washintong ugu sheegay Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda arimaha dibada Mareynkanka.
Xiritaanka Safaarada Mareynkanka Ee Jabuuti ayaa ku soo aadeysa xilli Mareynkanka uu Hakad geliyay howlihii ka socday Safaaradii uu ku lahaa magaalada Riyaadh ee caasimada dalka Sacuudiga.
Mas’uuliyiinta safaraadda ayaa sheegay in muwaadiniinta Mareykanka wixii adeeg deg-deg ah ay ka heli doonaan qusuliyada.