Alshabab oo Maanta Weerar Qasaaro Geystey Ka Fuleyey Magalada Wajeer

0
119

kenyanUrurka Al-shabaab ayaa maanta afar qof ku dilay magaalada Wajeer ee  dalka Kenya kaddib markii ay weerar magaaladaas ku qaadeen sida ay booliiska Kenya sheegeen maanta oo Arbaco ah.

Dabley hubeysan ayaa gudaha u galay shalay degmadaas oo ku dhow soohdinta; iyadoo kooxdu ay weerartay dukaan ku yaalla dhanka waqooyi-bari degmadaas oo 100-km u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Kooxdan ayaa weerarkooda u isticmaalay bambooyinka gacanta laga tuuro, rasaas nool iyo waxyaabo kale oo qarxa sida ay sheegeen dadkii goobjoogayaasha ahaa.

Al-shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas  ay ku qaaday degmada Wajeer ee dalka Kenya. Iyadoo la xusuusto in kooxdu ay toddobaadkii aan soo dhaafnay weerareen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba inkastoo uu ka badbaaday weerarkaas.