Shil Gaari oo Ay ku Dhinteen 5 Ruux oo Ka Dhacay Deegaanka Xaawa Cabdi ee Degmada Afgooye

0
225

caasiWarar aynu ka helney inta u dhaxeysa deeganada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay shil khasaaro sababay.

Shilkaan ayaa wuxuu yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari noociisa uu yahay Homy/Caasi oo ku sii jeeday Degmada Afgooye iyo gaari noociisa uu yahay Inataree oo ka mid ah gaadiidka waaweyn ee Xamuulka qaada.

Labadaan gaari ayaa si xun isugu dhacay, waana mida keentay in khasaaro uu halkaasi ka dhasho oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sida dadka ay xaqiijiyeen, waxaa halkaasi ku geeriyooday dad gaaraya 5-ruux oo ka mid ahaa shacabkii saarnaa Baabuurka Homy/caasiga, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 10-ruux.