Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, kadib safarkii uu ku tagay Madaxweynaha dalka Masar.
Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka aroortii waxaa loo xiray wadooyinka ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, markii uu soo dagaayay, taasi oo hakad gelisay isu socodkii dadka iyo gaadiidka intaba.
Markii Madaxweynaha Soomaaliya laga soo galbiyay Garoonka Muqdisho oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la furay wadooyinka ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.