Isdoorashadii Shariif Xasan Maamulkiisa Sedaxda Gobol oo boqol maalmood inka badan laga joogo ayaan wax hormar ah habayaraatee muuqanin, marka laga reebo Maamulka Gobol Baay iyo kan Degmada Baydhaba ka dhisnaa oo canshuurta ay Baydhaba ka qaadi jireen toban saac galabtii ay u kala qaybsan jireen sidey ukala awood badan yihiin ayaa waxaa hada la wareegey Wasiirada Shariif Xasan waxayna la daalaa dhacayaan Baahida 70-ka wasiir iyo wixii ay ku qaban lahayeen waxayna ku kaydinayaan qasnad Dahabshiil u taala.
Sidoo kale kulankii Wasiirada iyo Shariif Xasan ee Khamiislaha ahaa ayaa waxaa uu u baaqday koox dabley ah oo tiradoodu ka yartahay 6 qof muddo ka badan lix sacadood ay haysteen. Hadana kulankii ka horeyey midka baaqdey ayaa qaarka mid ah Wasiirada waxaa ay ushegeen Warbaahinta Ishabaydhaba in shariifka uu yiri weli dhaqaale ma aanan kasoo helin beesha caalamka ilaa laga dhiso Barlamankana Albaab aan garaaci karo majiro, hadaba idinkuna Wasiiro ayaad tihiin waxaad u baahan tihiin Nolol ilaa ay howshu inooga hagaagto Wasiirada bishii $300 (Sedax Boqol Doolar) Wasiir Kuxigeenadana $150 ayaan jeebkeyga idinka siinayaa ayuu kula balamey.
Nabad-gelyada Shariifka Iyo Wasiiradiisa.
Marka laga soo tago dhacdadii Khamiistiii dhamaan golaha Wasiirada oo uu ugu horeyo Shariif Xasan waxay ku hoydaan dhabarka Ciidamada Itoobiya marka laga rebo Sedax Wasiir oo Beelahooda dhex degan yihiin.
Hadaba Mas’uuliyiin noloshaasi ku jira sidee bay umada ay sheegeen inay ka mas’uulka yihiin nabadooda iyo noloshooda waxkaga qaban karaan.?
Dhibka Heysta Shacabka Magaalada Baydhaba.
Magaalada Baydhaba shacabkeeda aad ayay u dhiban yihiin waxaa laga qaadaa Labo Lacagood oo loogu kala yeero Canshuuraha Koonfur Galbeed iyo Tukaleynta oo iyadana loogu yeero Canshuurta Islaamka, si siman ayayna u baxshaan waxaa tusaale idnkaga filan Suuqa Xoolaha qofkii Neef Geel ah gato isagoon lacagtii neefka shubin ayuu si toos ah ugu shubayaa Al-Shabaab $20 (labaatan dollar) halka Maamulka Shariifkana 300 (Sedax boqol kun shilin Soomaali) ay iyaguna ka qaatan qofka Neefka Gatey.
Haddii uusan lacagtaasi shubin Neefkii meel uu la marayo majirto waayo 3-Km dhinac walba Baydhaba waxaa ka fadhiya Ciidamada Al-Shabaab oo muqabaradkoodu ka sareeyo dhamaan Soomaali inta u shaqeyaso.
Dhacdooyinka Layaabka Leh.
Dhacdooyinka layaabka leh ee Magaalada Baydhaba ka dhacaya ayaa waxaa ka mid ah in Bohosha Cashar-Wanle ay ka furan tahay Maxkamad Islaami ah oo ay Ciidamada Shabaab qaadayaan maalin walbana waxaa dhacda in qof Taleefon loo soo diro la yiraahdo hebel ayaa kusoo dacaweyey ee maalin hebel imow oo ka garbax kuna garbax Kitaabka Alle S/W.
Iyadoo Maxkamadii Ilka Xanafna ay Saldhiga Booliska Baydhaba ka dhex furteen garteeduna ay ku go’do qofkii lacag badiya, gartana loo xukumo Laaluush.
Hadaba Umad Har Iyo Habeen Magackasta Haloogu Yeero Lacagi Laga Guranayo oo Waxa Ay Xuquuq u Lahaayeena Qof Iska Xilsaara Aanu Jirin Maxaa u Danbeyn Doona.?



Baydhaba Allah gacmaha kama gooyo Far yareyda ayeey ka gooyeen wey rabi lahayeen Jeclaan lahaayena iney Gacmaha ka gooyaan ASWT ma dhiihin “Far Yareyda ay ka gooyen “Hanqarariyo ama( farabadne ) xal lug uma jISAYO.
Waxaa jira dhibaato iyo ayaan daro aad u xanuun badan ee haysato qowmiyadda digilmirifle,una baaxan in la is weydiiyo?hadii la is weydiiyo wey ka naxaayaan ku horboodaya hogaanka siyaasada digilmirifle,u fiirso oo dib u eeg tariikhda qowmiyadaan laga soo bilaabo 1945 tii ilaa laga soo gaaro 2015,abdulqadir sheik saqaawe iyo dilkii istaad cusman iyo macalim huudow,mahelin hogaan siyaasadeed u dhashey,hogaanadii ka danbeeyey wey ku dhasheen qowmiyadda qaarna uma dhalan ayaan daradaas ayaa jirta waxaa lagu hayaa dagaalo badan oo lagula jiro qowmiyada oo kala ah mid maskah,maaliyad,muruq.qarnigaan 21 horaantiisa nasiibka ay lakulmeen waa general xasan maxamed nuur(shati guduud) iyo midowe nuunow maxamed,ayaan darada iyo dhibta haysata waa xasan adan iyo abdifatax geesey,abwaankii wuxuu yiri”waraabe iyo libeeh marba sidoo unweerow mili wedeeyaaw”wxaan ugu gon leeyahay dadka u dhashey in ay qaataan canbuuladooda iyo biyahooda ayna aadaan duurka si ay u soo gurtaan qoryo ay wax ugu karsdaan caruurtooda dhibaatada haysa .
Comments are closed.