Madaxweynaha Dowlada Federklka Somaliya oo Kala Direy Golaha Adeega Garsoorka

1
200

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray Golaha Adeegga Garsoorka kaddib digreeto ka soo baxday xafiiskiisa.

Digreeto-Madaxweyne

1 COMMENT

  1. Somalidu waxey ku caan baxdey iney isku qabsadaan maareynta iyo ka faa’ideysiga awoodda siyaasadeed ee Qaranka si ay u jideestaan danahooda gaarka ah.
    Rubac qarni ku dhowaad ayaa Qaranimada Somalia min Sharci , shacab, deegaan iyo duur joogtaba u afduubnayeen qab qableyaal hubeysan oo had iyo jeer u soo labista shaar cusub sida qab qable dagaal, wadaad cimaamadle ah oo mar sheegta diin, marna sheegta ganacsade, marka kalena sheegta siyaasi iyo kuwo kale ay ku shaqeestaan oo u nacamleeya si ay uga kasbadaan danahooda gaarka ah.
    Mar waliba waxey shacabka u tumaan durbaan cusub, una soo bandhigaan riwaayad cusub oo waxba kama jiraan ah si ay ugu sii nagaadaan mansabka siyaasadeed oo ay sida gacan ku rimiska ah ay ku heleen iyagoo u soo marey nidaam kasta oo sharci darro iyo juu-juub ah , nidaamkaas oo gebi ahaanba bur buriyey tiirarkii qaranimada, boobey hantidii qaranka, tan shacabka, iibsadey baddii somaliyed, dhaqan rogey xittaa dhaqamadii somaliyed oo soo jireenka ahaa iyagoo mar kasta oranaayo:
    1) Waxaa is qabsadey Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare.
    2) Madaxweyne iyo Baarlamaan.
    3) Madaxweyne iyo Goloha Garsoorka Qaranka.
    Waxaa is-weydiin mudan waa maxey waxa ka khaldan Qranimada iyo nidaamka sharciyeed, jawaabahana waxey noqon karaan:
    B) Siyaasadda iyo Sharci dejinta oo haayaan niman aan aqoonteedu lahaynin haba yaraatee, rabinna iney ka tagaan xafiisyada ay afduubteen iyagoo sheegta aqoon iyo darajooyin aysan haba yaraatee garaneynin.
    T) Baarlamaanka oo uusan garaneynin hawshiisa , kuna wareersan waxa loola jeedo Dastuur oo xitta guddomiyahooda oo Professor sheegta uu si cadaan ah u yiri “DASTUURKA MA AHAN KU MEEL GAAR” ee waa mid dhisan oo dhan , dhameestiran, waxaa uu kala garan waayey Dastuur dhameestiran oo soo marey processkii qaanuunka ahaa , afti dadweyne lagu ansixiyey iyo QABYO QORAALKA HOR YAALO BAARLAMAANKA , arrintaas oo ah musiibo ku dhacdey shacabka somaliyed.
    J) Madaxweyne oo haba yaraatee kala garan la’ awoodaha Hay’adaha Dawliga ah ee uu qaran ku dhismo oo ah Seddaxda Tiir oo markii ay soo maraan processkii sharciga ahaa ay ku noqonayaan kuwo kal madax banaan iyo sida loo maareyo NGOda oo uu madaxweynaha ku soo shaqeysan jirey. Waxaa intaas u dheer Madaxweynaha inuu kala garan la’yahay hawlaha Qaranka, tan Beeshiisa, NGOyadiisa iyo Istratejiyada Kooxdiisa Damul Jadiid, taasaana keentey inuu marba meel aan munaasab ahaynin faraha la galo iyo inuu awood qwybsigii ku xad gudbo.
    Haddii Shacabka uusan ka dhii dhiyin Somalia waxey ku sii jiri doontaa habowgani muddo aan la qiyaasi karin waqtigaan xaadirka ah.

Comments are closed.