Hay’adda baarista iyo qodidda shidaalka Puntland ayaa maanta war-saxaafadeed kasoo saartay arrimaha kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Puntland ay maamusho.
War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u akhiriyay agaasimaha guud ee hay’ada Mahdan ee baarista iyo qodista shidaalka Puntland, Ciise Dholowaa ayaa qodobadiisa waxaa ka mid ahaa; In maamulka Puntland uu ogeysiinayo cid walba oo gasha amaba isku-dayda inay baarto, gurato, ama dhoofiso macdan iyo dhuxul-dhagaxda iyadoo aan ruqsad ka haysan hay’adda ay mudanayso ciqaabaha ku yaalla xeerarka ciqaabta Puntland.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Daafeet.Com