Dhagayso..Siidii oo ku been abuurtay dhacdadii ay ciidamada Dowladu ku gumaadeen Beeraalaydii reer Awdheegle

11
267

siidiGudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii oo ku sugan degmada Barawe ayaa waxay saxaafada madaxa banaani wax ka weydiisay dhacdadii ay Ciidamada Dowladu ku gumaadeen dadkii Beeraalayda ahaa ee reer Awdheegle iyagoo hiilo u ahaa Xoolaaley ku beel ahaa Ciidamada Dowlada oo beeraaleyda beerahooda daaqsiiyay xoolahooda,

Cabdulqaadir Siidii oo ka jawaabayay su’aasha wariyaha ayaa waxa uu ku been abuurtay dhacdada iyo qaabka loo maareeyay isagoo dhanka kalana sheegay in Ciidankii falkaasi gaystay gacanta lagu hayo taasi oo ah Been aan sal iyo raad toona lahayn.

Dhanka kale waxaa ilaa iyo maanta aan degmada Awdheegle ee falkan ka dhacay weli soo gaarin Gudoomiyaha Degmada Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar oo isaga degan magaalada Muqdisho isla markaana aanu warba ka ogayn waxa ka dhacay degmada uu gudoomiyaha ka yahay ee Awdheegle waxa uuna diiday inuu wax ka sheego wixii dhacay degmadiisa si ay u maqlaan dadka ku nool degmada Awdheegle iyo ummadda Soomaaliyeed oo idil oo iyagu haatan aad u danaynaaya inay arkaan kooxdii dulmigan dilka ah gaysatay oo cadaalada la horkeeno lana waafajiyo sharciga Islaamka.

Halkan ka dhegayso wareysigaUnknown Album

ku dhegeyso mobilkaaga

11 COMMENTS

  1. Hajji Adam godoomiyaha waau mahadsan yahay sharciga hamarsiiyo. Askari Ku xadguba shicibka @ ismaamulka@ konfur-galbeed-soomaliya,haloo naxariisto umada

  2. TUUGAAN IYO QAARKALOO BADAN AYAA IDINLA DHASHAY OO DHULMIGA HUGSANAYAA MARKAA JIHAAD KA LA SHEEGO INUU KA SOCDO SOMALIYA KU WAN AYUU KU WAA JIBAA IYO MOORYAANTA IDIN HAYSATA
    MAXAA IDINKU DHACAY DADKA DAGAN SHABEELADAHOOSE DULMI DIL BOOB IDINKA MA TAQAANAAAAN MIYAA DHULKIINAA LA IDIN KU CADAABAYAA
    AYBAAD TIHIIN EE DULMIGA ISKA QAADA
    XAYAWAAN YAHOW

  3. war ninka keliya ee xaq udirirka gobolka maxaad ka rabtaan war maad ala kabaqdaan war waxakale wax jira ma aha

  4. Benta iyo dacaayada rakiska ee Garre naceybe iskaadaafa. ee Dadka idin dhibaya iska qabta ee Garre benta adkasheygeysa iska dayaa

  5. Warbaahintaan daafeet magacaasi kuqaraabata nagadaaya dacaayada raqiska ah cidii wax is kuhaysaa banaanka haa soobaxso cabiqadir kii idin xureyay waaye ilaahada utaagan in aad xurnaqayaan ee adoon nima ad ubarateen iskadaaua dad sharaflehnoqna kadambeya masulka mujahidka wadaniga ah9

  6. duqun walaalkeeda ayey u daran tahay shabeelaha hoose dadka xoogga ku haysta oo madaxfurushada u haysta ee hawiye waad u jeedaan guddoomiyaha gobolka ee gobolka u dhashey iyo garre oo ah beesha keliya magaca digil difaacda maxaad ka rabtaa ilaahay barakada ha idiinka qaadee
    halkenka aan uga jirno xuriyadda gobolka meelwalba waan u mareynaa
    hadda hawiye ayaa wasiiro muhiim ah ku yeeshey maamulka koonfurgalbeed waxaana loo magacaabey xal ahaan sidaan filaayo ee xaq uma lahan meelna kama dagaan gobolada koonfurgalbeed

  7. Waryaa dacaayada raqiiaja ah iskadaaya cabdiqadir kii idin xureyay waaye unatagan xurnimadina waa mujahid mudan hambalyo ee adon nimada iskadaayo ashun ku aadanka aad wadaan melna kuma garayaaan

  8. GADOOMIYAHA WUU MAHADSANYAHAY NINKA KALIYO MADAX AH OO WAX WALBA KA HADLA WAAYE DIGIL AYU HORMUUF UYAHAY RUNTA AAN IISU SHEEGNO WAA SIYAASI KA DHAX MUUQDO MEEL WALBO AAN BAQIN OO INTAAS XILKA SIWANAAGSAN UGUTA OO WAX LAGU BEDELABA AAN LAHAYNIN NOOLOOW MADAXWEYNAHA GOBOLKA SHABEELADAWAAYE YAA KU HAYSTA WAA NIN DIGIL AH ,, NIN CULUS DR ABDIKADIR MOHOMED NUR SIDII,.,.Shariif . sakiin ayaaba kala tashta wax walbo , dowlada dhaxe sidoo kale marka dacaayada raqiiska aan iska dhaafno aan taageerno qofkii gobolkaan wax uqabanaayo madaxdeena alaah noo dhaafo

  9. madax weyne waa abgaal kuwa beeraha xooga ku daaqa waa abgaal kan amarka bixiyey in beeraha la daaqo waa abgaal .sidaas daraadeed qofkii ama gudoomiyihii arntaas ka hadla wuxuu ku weynayaa xilkii uu dowlada u haayey . intii xilka laga qaadi lahaa dadkiisa hala xasuuqo

  10. Abgaal maxaa ka galay meeshan mar habar gidir ayaad dhahdaan hadana abgaal miyaa war soomalida way is dhex mara is dhex degaan qaladna wuu imaada ee waa la xaliyaa gobolkeena dhibkiisaaba iska badan ileen waa meel qeyraad badan oo wax walba leh marka qofwalbaa indhaha kuguso taagaya aanniaka dulqaadano aana isla dhicino marlay imaato awood horta aan hogaamiya yaasheena kor uqaadno anagaaba is xasdeyna runta hadii aan iisu sheegno hala taageero qofka wanaaga wada sida siidi gadoomiyaha waan dhaliili karna lkn neceeb inaan uqaadno macquul ma aha qofka qaladaad siyaasadeed haduu sameeyo aan wax usheegno aan la fadhiisano lkn qofkii kuuso baxaba hadan habaarno cayno waxba manoo hagaagayaan

Comments are closed.