Xoogaga Shabaab oo laayay Askar Isbaaro u tiilay Warmaxan iyo Taxsiile

3
272

DagaalXoogaga Shabaab ayaa saakay aroortii hore weeraro abaabulan ku qaaday koox Isbaaroolay ahaa oo deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile u tiil Isbaaro ay lacago baad ah kaga qaadan jireen baabuurta isaga goosha wadada Baydhabo Muqdisho iyagoo halkaasina ku dilay 14 ka mid ahaa kooxdaas Isbaaroolayda ahaa iyo taliyahooda oo lagu magacaabi jiray Maxamed Khaliif.

Xoogaga Shabaab ayaa waxay kasoo duuleen deegaanka Tooratoorow oo hoostaga degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose xili ay tahay aroor hore oo ay hurdayeen kooxdan Isbaaroolayda ahaa iyo Taliyahooda weerarka ka dibna waxay dib ugu laabteen isla deegaankii ay kasoo weerar tageen ee Tooratoorow.

Weerarka kadib ayaa waxa goobta tagay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo ka tagay degmada Wanlaweyn iyagoo deegaanadaasi ka soo uruuriyay meydadka kooxdii Isbaaroolayda ahaa oo iyagu labisnaa dharka ciidanka dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale ayaa Xoogaga Shabaab waxay halkaasi ku gubeen labo ka mid ah gawaarida dagaalka ee Cabdi Billaha loo yaqaano oo kooxdan ku hubaysnaa.

Dhanka kale Afhayeenka wasaaradda Amniga DF-ka ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in dagaalka looga dilay ugu yaraan 10 Askari islamarkaana gaadiid dagaal looga gubay.

3 COMMENTS

  1. DADKA DEAGAANKA AH MAXAY ISKAGA KICIN LAA YIHIIN DADKAN BAADA KA QAADAYA
    ADEER ALSHAAB GOBOLKA KAMA TALISO MAR DAMBE HA SOO QORIN ALSHAAB AYAA HAWLGAL KA FULISAY DHULKA AAD SHEEGTAY REER DAAFEET IYAGA DHULKOODA MA BAAD AYAA LAGAGA QAADA TAN IYO TALYAANIGII ADEER KACA SIDA BIIMAAL OO DHULKA IDINKAALEH SIDEE BAAD LA IDIINKA QAADAA LACAGTA XOOGA LA IDIINKA QAADO XAGEE LA GAYNAYAA HUB LA IDINKU XASUUQO AYAA LAGU SOO IIBSADAA
    MARKAA ANIGA OO AH REER SHABEELAHA HOOSE WAXAAN BALAN IDIN KAGA QAADAYAA IN AAN CIIDAMADA ETHIOPIA KEENO GOBOLKA OO DHAN ILAA AFGOOYE MARKAA BEELAHA XOOGBAA LA NAGU HAYSTAA LEH WAXAAN U SHEEGAYAA IN AY KEENSADAAN DHALIN YARTOODA SI CIIDAAN DHAN 5000 ASKARI LOOGU TABA BARO DHULKOODA UNA ILAASHADAAN CIIDOODA SOOMAALI WAAA KALA TAGTAY EE QORI IYO XABAD AYAY MASKAX KU LEEDAHAY
    CIDA ISBAARADU U TIILAY MA DEEGAANKAA MISE MAAAHA
    KA SO JAWAAB

  2. mahadsintaan shabaab iyo walaa isbaarida inyaalo abgaalka lamadiyoo walba miis dhaamaan laakin mar in.dheeraayna jawaab iyaa halaayaan dhulkina dhul shan.caleemo iyaa leh koley unii intaladaane

  3. dhabwaye dheesha waa dhamaati
    dhiig dadaa ii dhadhama
    Iyoobaaa liiski duufeey
    hadileey doomikooynee
    Mindedeey iyee ki jirte
    Wana hunduraase mee
    Intee luku haleew
    Geesiyaasha 5ta caleemo
    Indhoo gorgorkaa ku weeleen
    Soo giir shabeeloyeen gu’haadaa ki gaahiti gurushoo hurooysidaayaan
    Geeri diyaar in eyaan
    Garaadlaawe aaba gaal goofkaa gaar guri wanle weyn
    Guulmuku furaaso
    Likii googooreey

Comments are closed.