Safiirka Somaliya U Fadhiya Mareykanka oo Saaka Kasoo Degey Garoonka Adan cade

0
210

SharmarkeGaroonka ee Adan Cade ayaa  waxaa saaka kasoo degay Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka, waxaana soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Dad u badnaa siyaasiyiin iyo mas’uuliyiiin soo dhoweyn lahaa Ra’iisul Wasaaraha sii diyaarsan ayaa ku lug go’ay garoonka, kadib markii diyaaradii siday Cumar Cabdirashiid ay saakay aroortii soo degtay.

Cumar C/rashiid ayaa la dejiyay Hoteelka Peace ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo amnigeeda ay si weyn u adkeeyeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee Sharma’arke ayaa la hadal hayaa in uu noqon doono reysulwasaaraha cusub ee dowlada federalka somaliya maadaama aysan horey u dhicin qof reysulwasare mar noqdey oo hadana dib loogu soo celiyey.

Daafeet.Com