Wafdi Xildhibaano ah oo ka tagay Magaalada Muqdisho ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhaba ee Caasimada Koonfur Galbeed.
Xildhibaanadan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan ayaa waxaa hogaaminaya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), waxaana Magaalada Baydhaba kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee uu Madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.
Ujeedada Booqashada Xildhibaanadan ayaa lagu sheegay inay tahay siday u heshiisiin lahaayeen Madaxweyne Madoobe Nuunow iyo Shariif Xasan.
Si kastaba arintu ha ahaatee socdaalka Xildhibaanadan ayaa la xiriira hishiis ay horey u wada galeen Shariif Xasan hishiiskaas oo ay ku qornaayeen qodobo dhowr ah, Balse dadka indha indheeya siyaada ayaa waxaa ay hoosta ka xariiqeen in hishiiskaas uu ahaa mid aan waxba ka jirin ee la isku lug goynayo.
Daafeet.Com