Gudoomiyaha Gobolka Baay oo Bililiqeystey Cisbitaalka Magalada Baydhabo

1
101

hoosoowjiiFadeexad xaley laga soo sheegayo Magaalada Baydhaba ee Caasimada Koonfur Galbeed, kadib markii lala baxay 90 Kartoon oo agabyo kala duwan ay ku jiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow, ayaa habeenkii xaley waxa uu  agabyo loogu talla galay bukaanada, uu kala baxay Isbitaalka Guud ee Magaalada Baydhaba.

Ilaa 90 kartoon oo agabyo kala duwan ku jiraan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu la tagey Gudoomiyaha, iyadoo uu tallaabadaan ku gacan-siiyay Ku Simaha Agaasimaha Isbitaalka Baydhaba C/laahi Maxamed Aadan, oo maalmaha soo socdo lagu wado in xilka uu ku wareejiyo Dr. C/laahi Yuusuf Bashiir, oo Dowladda Muqdisho ay u soo magacawday.

Madaxa Sahayda ee Isbitaalka Baydhaba Ustaad C/raxmaan, ayaa warbaahinta caawa u xaqiijiyay in agabyadaan Isbitaalka looga daabulay gaadiidka deg-degga ee bukaanada.

Tani waxay kusoo beegmeysa iyadoo Isbitaalka Magaalada Baydhaba Jimcihii la dhigay 34 ruux oo ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday makhaaxi ku taala Bartamaha Magaalada Baydhaba.

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. war waa tuug laabsaqiir ah oo aan aqli uu ku fekero laheyn .waa suaale maxaa ka bedeley siyasiyinta k/galbeed siyaasiyinta kale oo faradheerta ah..waa cajiib..???

Comments are closed.