Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf ayaa sheegay in qofkii dastuurka xad-gudub ku sameeya ay ciqaabtiisu noqonayso dil toogasho ama xabsi daa’in.
Avv. Ilka-xanaf oo ka hadlayay maalinta xuquuqda aadanaha caalamka oo ku beegnayd shalay ayaa sheegay in iyadoo ciqaabtaasi ay taallo haddana ay jiraan dad aanay waxba la ahayn in dastuurka lagu xad-gudbo.
“Xeerka ciqaabta dalkeenna u yaalla dambiga ugu horreysa ee uu sheegayo waa jabinta dastuurka oo ah qodobka 184-aad. Haddaba jabinta dastuurka ama isku-day ah in la jabiyo ciqaabtiisu waa xabsi-daa’in ama toogasho,” ayuu yiri Caydiid Ilko-xanaf.
Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa hadalkiisa ku daray inay jabinayaan iyadoo kala liidata biyo la cabay. Wuxuuna xusay in haddii lagu dhaqmayo sharciga dalka uu qofkaasi mudanayo ciqaab adag.
Dhanka kale, guddoomiyuhu wuxuu xusay in hay’adaha Somalia oo dhan la siiyay xeerkan, qofkii yiraahda ma garanayana ay tahay mid been ah, isagoo ku taliyay in lagu dhaqmo xeerarka dalka u yaalla, taasoo uu ku sheegay in ay tahay mid sharciga iyo xuquuqda aadanaha lagu ilaalin karo.
Daafeet.Com