Wararka inaga soo gaarey Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Laba hablood oo walaalo ahaa kana mid ahaa ciidankii maalin ka hor uu wasiirka gaashaandhiga uu tababarka ugu soo xiray tiyeegloow ayaa waxaa maanta shabaabku Ku gowraceen meel u jirta magaalada 5km kadib kolkay gurigooda Kala baxeen.
Gudoomiye Kuxigeenka Dhanka Amniga Degmada Tiyeeglow Cali C/nuur iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa Xaqiijiyay Dhacdada lagu Gowracay Labada Dumarka ee ka midka ahaa shacabka ku dhaqan degmada tiyeeglow.
Gudoomiye Kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Arrintaan ay ka danbeeyaan Al-shabaab,waxaana uu hadalkiisa intaa Raaciyay in Labada Gabdhood ay Saldhiga Degmada ku Ag lahaayeen Miisas yar yar oo Alaabo aan sidaa u badneyn lagu iibin jiray islamarkaana sidaa loo beegsaday.
Talaabadan lagu gowracay labadan gabdhood EE walaalaha ayaa imaanaysa iyadoo shalay buurhakaba ay shabaabku soo dhigeen laba mayd oo madaxyadu maqan yihiin
Daafeet.Com