Daawo:- Jaaliyada Koonfur Galbeed Ee Dalka Ingiriiska oo Qaadacday Xaflad Shariif Sakiin loogu Sameeyey London

13
93

cali iyo nadaaraJaaliyada KoonfurGalbeed wadanka Ingiriiska ayaa waxay guud ahaan qaadaceen xaflad lagu sheegay in taageero loogu muujinayo Shariif Sakiin oo habeenkii xalay ahayd ka dhici lahayd magaalada London.

Xafladan oo ahayd mid dhaqaale farabadan uu ku bixiyay Shariif Sakiin ayaa waxaa uu ugu tala galay inuu ku kala qaybiyo Jaaliyada KoonfurGalbeed ee dalka Ingiriiska islamarkaana uu ku soo bandhigo dad uu doonayay inuu ku sheego inay taageerayaal u yihiin si uu caalamka uu indhasarcaadiyay uu u tuso indhasarcaadkiisa.

Balse ma noqon talaabada Shariif Sakiin mid meel marta maadaama ay Jaaliyadu ka feejignayd falalka guracan ee Shariif Sakiin uu Dadka iyo Dalka KoonfurGalbeed ku kala goynayo.

Sidii la filan karayna waxaa halkaasi ku kulmay dad aad u kooban oo u badan dad aan kaba warhayn waxa wadanka ka socda iyo Siyaasad midna una badnaa dad lasoo marin habaabiyey ayadoo kolkuu kulanka soo idlaadey intooda badan ka shalaayey waqtiga ay isaga lumiyeen qof aan dadkiisa raacsaneyn.

london4 london2

cali iyo nadaara

london1 (1)

london2

Daafeet.Com

13 COMMENTS

  1. reer london waa muwadiniin Digil IYO mirifle waa dad tageersan 6 gobol caada qaate sakiin ya tageerayo waxa meeshan fadhiya laba da qof ah ma aha digil iyo mirifle maba oga waxa meesha ka socda kuwan cad cadka ah

    • s/c salaan ka bacdi hadii hablaha digil iyo mirifle,oo dhan, adigu oo kale ahaan lahaayeen,waa fiicneen laheyd anigu hadda laqa bilaabo waxaan kuu aqoonsanahay afahayeen gabdhaha D/M,NORTH AMERICA,NOOLOW WELIQAA NOOLOW WELIQAA CADOWQAADA ILAAH XAJEBSHE ,

  2. aad iyo aad ayaan ugu faraxsa nahay sidaa in la yeelo sakiin xageena wuu ka xukuman yahay
    reer london alaha idin xafdiyo thanks .

  3. jaaliyada digil iyo mirifle ee london waxaan kunaqaanaa muwaadinin qadiyad leh tankale hooyoyinkan iyo afartan odey meesha yimidna uma imaanin kala goynta dhulka d.m ee waxey islahaayeen shirka waa kii lixda gobol ee waa laqaldey ayaamaha soosocda dad badan ayaa been loo sheegi doona sida hada kasocoto neyrobi iyo meelo kale oo lamid ah waxaa la dhihi doonaa munaasabado taageero ayaa lagu qabtey marka beentaas halaga digtoonaado

  4. runtii waa ka xumahay sida naloo kala qeybiyey umadan xageeda loogu tumayaayo waxaan oo dhan waxay ku dhacdey dadka anaga naga mid aha oo dantooda kaliya arkey xaflad lagu taageerayo K/G Miyaa mise Braawiine iyo reer hamar maamul gubaleed ay dhisteen waaba arin cajeeb

  5. cajiib umadeena ayaga leesku mashquuliyay allaha isku soo duwa quluubtooda mida kale waxaan jeclaan lahaaa xildhibaanada digil iyo mirifle maxa kudhacay waxan maqalnaa mar walaba waxa kulmay xildhaaanada hibil iyo hibil aaway kuweeena mexey war cad ugu soo saari lacyihiin arinta sharwade sakiin mida kale wabsedka amaandhoorey.com ninka qora shariif sakiin ka xaga ayuu jira isku dirkiisa halaga diktoonaado waa doonfaar oo rawa inuu kala gooyo umada

  6. Sxbayaal qaraarka iska dhaafa caqligiinana ha shaqeeyo. dadka meesha joogo waa muwaadiniinta koonfur galbeed oo maskaxdooda fiyoowdajay ogna xaqoiqda biyo kama dhibcaanka ah.

    Dadkiina beenta isku sheegayo waligiinaba Soomaali waaka dambeyseen haddana intiinii idinkugu caqliga badneyd ayaad waxka sheegeysaan. ceeb kama xishootaane iaka tuugsada Shariifkana afkiina ka daaya.

  7. digil iyo miroflow waan idiin hanbalyeyneynaa sida go.aanka adag aad uga qaadateen caada qaatiyaasha.digil iyo mirifle. nadaara iyo baaba keliya maa ka jooga kkKkkkk sidaan ha noo ahaado goaankeena ilaa jilib iyo jamaame .saakow iyo bu.aale.baardheere.iyo luuq ay gacanteena ugu soo noqoto.

  8. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk lol digil iyo mirifle sidaas isugu xernaada meesha waxaa lakeenay dad sanwaaween yey yihiin kuwaan looooooooooool

Comments are closed.