Reysulwasaraha Xukuumada Federalka Cabdiweli Sheekh oo Gaarey Garoowe

0
176

cabdi weli shWafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa goor dhow soo gaaray xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.

Madaxda ugu sareysa Puntland iyo boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calamo iyo caleemo qoyan ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana intaas kadib loosoo gudbiyey dhanka madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka oo kasoo jeeda deegaanada Puntland waxaa la filayaa in muddo dhowr maalmood ah uu Puntland ku sugnaado.

Inta uu Garoowe joogo wuxuu la kulmi doono madaxda Puntland, isimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana arinta ugu weyn ee uu kala hadli doonaa tahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhex aloosan labada dhan.

 
Daafeet.Com