Ururka Midowga Yurub ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalkii Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen magaalo xeebeedka Baraawe horaanta todobaadkaan.
Warbixin ka soo baxday Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in magaalada Baraawe ahayd magaalo ay ku xoog badnaayeen Al-shabaab,islamarkaana ay ka soo gali jireen dhaqaalo fara badan ay ku dhaqaajin jireen howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan.
Sidoo kale, Ururka Midowga Yurub ayaa arintaan ku tilmaamay talaabo muhiim ah oo horay loo qaaday,waxayna carabka ku adkeeyeen inay sii wadayaan taageerada ay la garab taagan yihiin taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Al-shabaab ka qabsaday deegaano iyo degmooyin badan,waxaana Al-shabaab dhankooda howgalkaasi ay ku tilmaameen mid aan wiiqeyn awoodooda malitari.
Daafeet.Com
Tani waa ifafaalo fiican oo dadka D&M looga fadhiyo inay ka dhaliyaan natiijo dhaxal gal ah, fiiri deegaanadda umadaha kale deegaanadeena waxaa la haray aafooyinka dagaaladda, cadaalad daradda xukuumadaha ka dhasha Soomaaliya, iyo aragti yarida iyo ambition la’aanta hagaamiyeyaasha siyaasadeed ee D&M, dhaqqalaha shabaab ka sameeyay gobolka, kan ay Hawiye ka sameeyeen, iyo sida dadka kor nooga yimid noogu hadimeynayaan gobolkeena waxay daliil cad u tahay inaan umadda goboladan matalaad macno leh ku heysanid dowladda dhexe, waa sax power sharin sax ah baan ku joognaa laakiin hadaan nahay shacabka ka soo jeeda shabeeladda hoose ma helin hogaan naga ciil tira tumaatidda sanadaha na daashatay, Siidii iyo xildhibaanadda ka soo jeeda gobolka adinkey farta idinku godan tahay,
Comments are closed.