Shir looga hadlayo xadgudubyada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM kula kacaan haweenka Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaasoo muddo saddex casho ah socon doona.
Fududeynta shirkan ayaa waxaa gacan ka geysatay hay’adda ACCORD oo ka shaqeysa nabadeynta, fadhigeeduna yahay Johannesburg, waxaana shirkan ka qaybgalaya madaxda AMISOM iyo wufuud kala duwan oo dunida ka kala timid.
Kulankan ayaa waxaa furay wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia ahna madaxa howlgalka AMISOM, danjire Maman Sambo Sidikou oo maalmo ka hor shaqada billaabay, isagoo sheegay in dastuurka Midowga Afrika uusan ogoleyn in waxyeello loo geysto shacabka.
Maalmaha uu shirku socdo ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa ka hor-tagga anshax-xumadda lagu dhaqmo haweenka Soomaaliyeed ee ay ciidamada ka tirsan AMISOM geystaan. Waxaana si gaar ah diiradda loo saari doonaa sidii madaxda AMISOM ay arrintaan u maareyn lahaayeen.
Daafeet.Com