Madaxweynaha Dalka Kenya oo Maanta Kenya Dib Ugu Laabtey

0
220

Uhuru-kenyattaMadaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, kaddib markii uu shalay hortagay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC si uu u dhageyso dacwadihii loo haystay.

Kenyatta ayaa waxaa soo dhoweeyay ku-xigeenkiisa William Ruto oo si KMG ah xilka loogu dhaariyay maalin ka hor markii uu ka tagayay Nairobi si uu u hortago maxkamadda ICC, iyadoo waddooyinka garoonka illaa Nairobina ay ku sugayeen dadweyne badan oo taageersan.

Madaxweynaha Kenya ayaa beeniyay gabi ahaan dacwadihii loo haystay oo ay ka mid ahaayeen inuu xiriir la leeyahay koox qowlaysato ah oo Kenya ka jirta laguna magacaabo Mungiki, sidoo kalena wuxuu diiday inuu gacan ka geystay dilka dad badan oo ku dhintay rabshadihii dalkaas ka dhacay 2007 illaa 2008.

Qareenka u doodayay madaxweynaha Kenya ayuu u wakiishay inuu mas’uul uga yahay ka hadalka dacwadaha loo haysto, iyadoo Kenyata uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay oo isagoo xil haya hortaga maxkmadda ICC si uu u dhageysto dacwdao dhinaca bani’aadamnimad ah oo loo haysto.

Daafeet.Com