Xaflad balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Sedexda gole ee uu ka koobmo Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa waxay maanta ka dhacday Xarunta maamulka ee magaalada Baydhabo,Xafladan oo ahayd mid lagu dooranayay madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulka KoonfurGalbeed ayaa waxaa u soo istaagay jagadaas Jaylaani Abuukar Jimcaale kadibna waxaa golaha uu ku doortay cod aqlabiyad ah sidaasina waxaa lagu dhaariyay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed Jaylaani Abuukar Jimcaale.
Dhaarta kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed Jaylaani Abuukar Jimcaale waxa uuna u mahadceliyay golayaashii doortay waxa uuna balan qaaday inuu u adeegi doono umadiisa kadibna waxaa hadalka qaatay Madaxweynaha Dowladgoboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed Madoobe Nuunoow Maxamed waxa uuna goobta ka sheegay in aan cidi laga yeelayn burburinta maamulka.
Hadaladoodana waxaa ka mid ahaaUnknown Album
Konfurgalbeed way ka go`antahay inay Dowladooda ay ka shaqayso Lixda Gobol, marna Ma yeelayno in Lixdan la kala qaybiyo. Midnimada iyo isku Tashada ayaa Guul lagu gaaraa. Dadka dega Goboladan waa inay taageeraan Lixda Gobol, diidaana dadka xamar laga soo diraayo. Runta waa in Maamul samaynta logu danbeeyaa Dhaqanka iyo Odoyaash, hadii la garabmaro waa fowdo iyo qas.
Mahruub meel ma-maamulee,mahhruub maxamuud sayid madowe meel ku sheeg,Maalinba meel maran buuxi&Magacaawis miyeey arinkiinu noqday!
Bulshada Riwaayad dhamaatay Tikidhadeeda
yaan ummada lagu khiyaanin,ka jooga..ka jooga!
Lixda Gobol, af miyaad ku keeneeysaan ileeyn iyadaaba Dadyowkale isku heeysta oo ku dagaalamaayee, Sadaxda Gobol ee Juba land idinka reer hadaa kooyni sideed rabtaan in aad ku lahaataan,oo aad ku maamushaan,mise loolanka Dagaal ee socda ayaad qeeyb ka noqoneeysaan?sideed rabtaan in aad ku hanataan sadaxda gobol ee juba-landa,mise in mar labaad Bakaarihiina la faagto ayaad rabtaan oo aad dib ugu noqotaan Maagacii ahaa Baydhabo waa magaaladii DHIMASHADA&wax ka xun,waxaan leeyahay halaga fiirsado,inta aan Dabka holcaaya ummada Qoryihii lagu shidaayay loogu dhigin,halaga fiirsado..halaga fiirsado!
waxaa halkaan ku cad dowladii k/ galbeed in ay dhameys tirtay rugnigii dowlad nimo dadka
isku deynaya in ay hor istagan waxaan lenahay daadka yaan idin qadine ka hortaga ee waxan idinku baqeynaa hoy hoy dhinac karaaca dadkiina dhinac ka raaca
Comments are closed.