Safiirka Somaliya U Fadhiyo Dalka Kenya Oo Kenya Ka Dalbadey In lagu Soo wareejiyo Xasan Xanafi

0
162

cali americoDanjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa bidhaamiyay in Dowladda Somaliya ay Kenya u bandhigtay, in ay ku soo wareejiso ninka la rumeysan yahay in Xasan Xanafi yahay.

Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa xusay in qabashada ninkaan ay ka dambeysay, markii ay xoggo isweydaarsadeen Sirdoonada Somaliya iyo Kenya, iminkana ay baaritaano ku soconayaan.

Waxa uu intaa ku daray in Kenya aynaan weli ka soo jawaabin codsiga ay u gudbiyeen, ha yeeshee ay maalmaha soo aadan ka dhursugayaan in ay u soo gacangeliso.

Amb. Americo oo u waramay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa rajo ka muujinaaya in ninkaan loo soo duulin doono Magaalada Muqdisho, si loogu kala cadeeyo wax kastaa oo uu yahayba.

Ninkaan, ayaa waaxda la dagaalanka argagaxisada ee Kenya u sheegay inaanu ahayn Xasan Xanafi, iyadoo uu ku andacooday in nin kale uu yahay, markii uu u sheegtay magac kale.