Deg Deg: Ciidamo Hubeysan oo Xoog ku Galay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

1
200

imagesCiidamo taabacsan wasiirka dastuurka iyo cadaalada ayaa saakay xoog ku galay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Avv. c/qaadir maxamed muuse, wararka waxaa ay intaas ku darayaan in ciidamada ay xoog uga saareen shaqaalihii ka howlgalaayay xarumaha garsoorka qaranka.

Ciidanka saakay weerarka ku qaaday Avv. C/qaadir maxmed muuse ayaa waxaa hogaaminaayey wasiir ku xigeenka wasaarada cadalada iyo dastuurka, wasiirka iyo ciidankii uu watay ayaa awood u adeegsaday shaqaalihii ku sugnaa xaurnta garsoorka iyo mas’uuliyiintii ku sugneyd.

waxaana ay wararka ku darayaan in wasiirka uu lasocdo xeer ilaaliye cusub oo uu xasan sheikh soo magacaabay halka Avv. c/qaadir maxamed muuse iyo Avv. Ceydiid ilka xanaf ay ka hor yimaadeen talaabada uu qaaday madaxweynaha iyo wasiirka cadaalada iyo dastuurka, waxaana ay ku tilmaameen inay fara gelin ku haayaan xafiisyada garsoorka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Avv. c/qaadir maxamed muuse ayay ciidamadu ka hor istaageen inuu gudaha u galo xafiiskiisa, waxaana la filan karaa goor walba isku dhac hubeysan oo ka dhaca ciidanka kakala amar qaata lawada mas’uul.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka C/qaadir maxamed muuse. Wixii ku soo kordha waxaan idinku soo gudbin doonaa wararkeena dambe insha’allah.

1 COMMENT

  1. waxaan la yaabaa marka aan maqlo sharci iyo dastuur,somaliya sharci kama jiri hadii jirase laguma dhaqmo ku dhaqan lacaantana waxaa bilabay xasan kadare iyo A/wali ismoge
    sidaas waxaa u sharciyeyey in sharci lagu dhaqmin jawari. dastuur warkiisa haba shegin
    qof waliba waxa uu rabo ayaa sharci u ah 3 masuul dalka

Comments are closed.