Xildhibaan Sheekh Adan Madeer oo Maanta Magalada Muqdisho lagu Aasey

0
35

mar10Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo ka tirsanaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay kooxo hubaysan ay Muqdisho ku toogteen.

Aaska Xildhibaanka, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano iyo qaar kamid ah ehelada Marxuumka geeriyooday.

Wasiirada ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka waxaa kamid ahaa, Wasiirka Amniga Generaal Khaliif Axmed Ereg, Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Wasiirka xanaanada xoolaha Saalim Caliyoow Ibroow oo kamid ah Xubnaha Baarlamaanka dalka ayaa goobta aaska ka sheegay in Xildhibaan Madeer uu ahaa nin aad u wanaagsan oo alle ka cabsi badan, kooxihii dilayna mar waliba ay iyaga dhibaato qabaan.

Xubnihii kale ee madasha ka hadlay ayaa uga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyeed dilka loo geystay Xildhibaan Madeer, waxaana ay ugu baaqeen Dowladda Soomaaliya inay gacanta kusoo dhigto dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka maanta Muqdisho lagu aasay.

 
Daafeet.Com