Dowladaha Yurub oo Dhaqaale ugu Deeqey Xukuumada Federalka

2
32

EuropGudiga Midowga Yurub ayaa dhaqaale dheeraad ah ku daray deeq gargaar oo loogu talo galay dalka Soomaaliya, iyadoo laga jawaabayo baahida sii korortay ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in 10 million oo dhaqaale dheeraad ah ay ugu deeqeen dalka Soomaaliya, iyadoo laga jawaabayo xaalada yaraanta dhanka cunnada iyo quudinta ay u baahan yihiin caruur badan.

Dhaqaalahaasi ayaa midowga Yurub waxay ku sheegeen in lagu qaban doono dhameystirka baahida ka jirta dalka Soomaaliya sida baahida loo qabo caafimaad buuxa iyo adeegyada quudinta caruurta, biyaha, talaalka iyo hoyga ay u baahan yihiin dadka barakacayaasha ah.

Kristalina Georgieva, ayaa ugu baaqday dalalka kale ee deeq bixiyaasha ah inay ku biiraan howlaha gargaarka ah ee loogu gurmanayo dad badan oo ku dhibaateysan dalka Soomaaliya,sida ay sheegtay.

2 COMMENTS

  1. WAA WAX LARABO IN AFKA AY U DHIGTAAN ENJIYOWYADA KA JIRA DALKA HANOQDAAN KUWA DALBADAY IN SOOMAALI WAX LAGU TARO EE IYAGA LAF AHAANTOODA AY U SOO SHAQO DOONTEEN DALKA HA NOQDAAN SOOMAALI IYO AJNABI , INTEE AYAY KASOO GAARIKARTAA, DADKII LOOGU TALA GALAY WAA WAX KOO BAN
    HADDII AY RUN QABAAN MAY UGU SAMEEYAAN DIB U CELIN IYO MASHAARIIC AY KU HORMARINKARAAN BEERAHA SIDA KANAALO LOO JEEXO IYO QALAB BEEREED OO AY WAX KU SOO SAARAAN ,ISLAMAR AHAANTAASNA AY JOOJIYAAN CUNADAN WADANKA LAGU SOO DAABULAY IYADOO TAALA TII BEERAHA KASOO GO’DAY WELIBA HADDA OO XILIGII BEERAHA SOO GO’AYEEN AY KU SOO AADIYEEN IN LALSOOGAARO KAALMO DIBADEED, ANIGA WAXAAN U ARKAA WAXAA WADANKAN CURYAAMIYAY INUU YAHAY KALMADAAS NALAGU DABA WADO ISALMARHAANTAAS LAGU DILAYO WAX SOO SAARKEENA. WXAAN KU TALIN LAHAA HANAGALA JOO JIYO WAQTIYADAN OOKALE OO BEERAHA AY SOO GO’AYAAN, HADDII AY RUNQABAAN HA KEENAAN WAQTIYADA KALE.

  2. Dunida ma wano qadato miya deqahanai mehsi kuwi ka horeyeey mareen ayeey marayaan hadaan Dowlada NGO ah lala hisabatami

Comments are closed.