Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Kasoo Jeeda Puntland Oo Maanta Dib Ugu Laabtey Puntland

3
25

puntlMagaalada Garoowe waxaa maanta dib ugu soo laabtay qaar kamid ah xildhibaannada Puntland kasoo jeeda ee ka tirsan Baarlammaanka Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya.

Xildhibaannadan oo ay tiradoodu lix tahay, waxaa horkacayey Xildhibaan Xasan Abshir Faarax. Garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiirro u badan.

Intaas kaddib, xildhibaannadu waxay usoo gudbneen dhanka aqalka madaxtooyada, halkaasoo uu ku qaabilay si diirranna ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha oo si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashada xildhibaannada iyo weliba sida ay uusoo ajiibeen baaqii horay loogu jeediyey ee ahaa inay Puntland dib ugu soo noqdaan.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ku hadlayey afka xildhibaannada ayaa isna sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin in iyagoo nabad qaba ay deegaanada ay kasoo jeedeen dib ugu soo noqdaan.

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. WAA WAX KU DAYASHU MUDAN EE U BAAHAN IN AAD FAHANTIIN KUWIINA KA SOO JEEDA REER KOONFUR GALBEED WAAYO WAXAAD SHARAF AAD KU LEEDAHAY DADKAAGA DHEXDIISA SIDAA DARTEEDA KU DAYDAA DADNIMADAA AY MUUJIYEEN REER PUNTLAND WALOOW AANU OG NAHAY WAXAA KAQAYLISIINAYAA INAY YIHIIN DULMIGII SHALAY AY AYIDEEN EE AHAA JUBBA LAND MAANTA IN AY IYAGA HAYSATO WAAYO ILAAHAY WUXUU YIRI SIDA : و لا يحيق مكر سئه الا باهله
    MARKAA WAXAAN IDIN LEEYAHAY ILAAHIINA KABAQO OO DIB ISUGU NOQDA WAX WALBA DALKA KAJIRA KA SHEEGA SIDA RUNT AH.

  2. Dameeradii awey dm xilaabaan tenekyaal waa xilibaan million haasto maleh iyo wasiir hadaad qiyaano sameyso wiligiin sidaas bad u hoos jogeysiin asagiin waa umad waxba is dhaamin wax ixtiraam malah waxaa sameysaney gole guurti lama dhageysanaayo walaa xilibaan naval gudoomiyaha barlamaanka war xishooda sharaf u noolow AMA duli ku noolow labadaas wax ka dhaxeeyo malahan odoyaasha guurtida waad guleysaneyaa samra

Comments are closed.