Alshabab Oo Sheegatey Dilkii Xildhibaan Sheekh Adan Madeer

0
28

alshababXarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd dilkii xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer oo ka mid ahaa xubnaha baarlmaanka Soomaaliya, kaasoo kooxo hubeysan ay duhurnimadii maanta ku toogteen degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh Cabdulcasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamadooda gaarka ah ay toogasho ku dileen mudnahan oo noqonaya kii shanaad oo sannadkan ay Al-shabaab ku disho Muqdisho.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay ka go’an tahay hadafkoodu yahay inay sii wadaan dilalka xildhibaanada baarlamaanka inta ummadda laga hor-leexinayo, isagoo ku tilmaamay baarlmaanka inuu yahay kan sharciyeeyay in dalka la keeno ciidamada AMISOM.

Xildhibaan Sheekh Mad-deer ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah lagu dilo Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso caqabad cusub oo lasoo gudboonaatay xildhibaannada baarlamaanka dalka.

 
Daafeet.Com