Xildhibaankii 3xaad ee Qowmiyada Digil iyo Mirifle oo Ay Kooxo Hubeysani Maanta Ku Toogteen Degmada Xamar Weyne

3
126

mar10Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Mad-deer oo ka tirsanaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya isla markana kasoo jeedey Qowmiyada  Digil iyo Mirfle gaar ahaan beesha Luwaay ayaa maanta kooxo hubeysani ku toogteen degmaada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Sheekh Aadan Mad-deer oo haatan ahaa gudoomiyaha gudiga maaliyada ee barlamaanka ayaa waxaa uu ahaa rugcadaa ku xeel dheer dhinaca maaliyada waxaana uu xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii ku meel gaar ahaa waxaa una ugu dambeeyey isagoo wasiir u dowlaha maaliyada ka ahaa dowladaii madaxweyne shariif sheekh axmed in kasoo aan si dhab ah loo ogeyn dilkiisa ayaa hadana waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii digil iyo mirifle ee taagarada gaarka ah u hayey dhismaha maamul goboleedka ee lexda gobol.

Xildhibaan Sheekh Adan ayaa wuxuu noqonayaa xildhibaankii 3xaad ee kasoo jeeda Qowmiyada Digil iyo Mirifle iyo kii shanaad oo sannadkan lagu dilo magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay xildhibaanka, iyadoo horay ay Al-shabaab ugu gooddisay inay beegsan doonto xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. allaha u naxariisto lkn xillibaanada dir daarood iyo digile iyo mirifle miyaa okaliya aydilayaqn soo miyey fahmeen inla ogaanayo hawiye marka shabaab waa waxii xun waaye way iska sheegataa uun waayo shabaab hawiye macafineyso waxaan dhehi lahaa caasimada muqdisho halaga raro

  2. INAA LIaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto xildhbaan sh aadan mader

  3. Allah yarxamhu wa yadkhulhul firdoos. Marxuuna asigoo soomaan ayaa la dilay. ilaahay gacanta gardarada ku dishay ha ugu aargudo.

Comments are closed.