Ra’isulwasaare Cabdiweli oo isku shaandhayn ku samayn doona kadib kolkii ay wasiiradu u ansixiyeen

3
125

rajoWarar aynu ka kala helnayno ilo kala gedisan ayaa sheegaya in Ra’isuwlasaaraha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Cabdiweli uu qorsheynayo inuu isku shaandhayn ku sameeyo Golaha wasiirada si guud isagoo sidoo kalena ku guda jira buuxinta xilkii uu baneeyay Cabdikariin Guuleed oo ahaa Wasiirkii Aminiga.

Ra’isulwasaaraha ayaa lasheegay sidoo kale inuu damacsanyahay in xilka ka qaadis uu ku sameeyo Wasiirka Arimaha gudaha Goodax kaasi oo ay isku maandhaafeen aqoonsigii maamulka KoonfurGalbeed oo ka kooban sedaxda Gobol ee Shabeelaha hoose,Bay iyo Bakool ee ay dowladu aqoonsatay.

Hadaba sida aan wararka ku helayno ayaa Ra’isulwasaaraha waxa uu qorshaynayaa inuu Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga uu u magacaabo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud halka xilkiisa haatan oo ah Wasiirka gaashaandhigana lasiin doono beesha Habagidir iayadoo aan welina go’aan laga gaarin halka beesha Xawaadle oo wasiir Goodax ka dhashayna lasiindoono xilka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo haatan haya Baroow oo u dhashay beesha Gaaljecel beesha Gaaljecelna waxaa lasiindoonaa xilka wasiir ku xigeenka Amniga oo haatan haya Ibraahim Isaaq Yarow kaasi oo isna laga dhigi doono Agaasimaha guud ee Hay’ada nabadsugida qaranka oo bedeli doono Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) sidoo kale ayaa Bashiir waxa loo magacaabi doonaa mid ka mid ah safaaradaha wadanka uu ku leeyahay wadamada Khaliijka.

Hadaba si uu u xaqiijiyo Ra’isulwasaare Cabdiweli qorshahan Sedex iyo Aflayda ahi ayaa waxa uu maanta isugu yeeray kulan golaha Wasiirada kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Meelmarinta xeer hoosaadka golaha wasiirada kaasi oo lameelmariyay isla maantaba meel marinta xeerkani ayaa waxa uu Ra’isulwasaare Cabdiweli siinayaa inuu Wasiirkii uu doono cayriyo ruuxii uu doonana uu ku bedelo.

Si kasta oo loo dhigaba tani ayay waxay ka dhigan tahay Ra’isulwasaare Cabdiweli oo sii diyaarsaday seeftii uu ku kala jari lahaa golaha wasiirada iyo Madaxtooyada oo sida la sheego in badan howsha ku curyaanto.

3 COMMENTS

  1. warka la sheegayo oo ah isku shaandheyn in la sameeyo Golaha wasiirada oo u ektahay in meesha soo gashay Dektatoornimo wayo goodax waxaa loo eryayo waa ka xadalkii waxa sax aan ahayn la sameeyey sikastaba Ha ahaato isku shandheen kasta oo la sameeyo wax ay soo kordhineyso oo wanaag ah meeshan kama muuqato .Neef xaaraan ah wel xalaal ah ma dhasho oo A/wali asagaa bedelis u baahan iyo Dhamaan wasiirada waa hadii la Rabo in isbedel in uu yimaado la Rabo imaa 3 dex meel laga qado meelo kale Loo dhiibo Dhibka amey kor dhisaa?

  2. yaa xukumi kara wadan dadkiiso dhan ay yihiin siyaasiyiin,reysalwasaaruhu xaq buu u leeyahay inuu qabsado shaqadiisa oo uunan cidna ka sugin..tan kale goodax waxa uu ku hadley wa Wax laga xumaado ,asaga oo ka horimaadey dowlad uu asaga ´ka tirsan iskana dhigey nin ka weyn macalinkiisa,taasina waa Wax aan loo dulqaadan karin..c-weli hadii la doonayo inuu Wax ka dhageysto qabiilada dhibka ka wada wadanka ma soconeyso si walba oo la isugu mashquuliyo..mooriyaanta waa inuu ka qabtaa wadankan iyo shacabkan ku daaley hagardaamada beelaha hawiye ee aaan dhamaadka laheyn..

  3. xaalku wuxuu u muuqdaa socod waan ku daalneye aan cararno, sidii nin daadqaaday oo marba meel cuskanayo ayuu u muuqdaa reysalwasaaraha, haddee haddii qofkii sheega runta labedelayo waxaad ogaataan in aadana meel gaaraynin fashilkii aad ku bilaabanteen ayuunbaad ku dhamaysanaysaan , meesha waxaa ka maqan xikmaddii waddankan lagu hogaaminlahaa , teeda kale waxaan fariin u jeedinahayaa barlamaankan aamusan maalin walbana waxa dhacahayaa ay u jeedaan oon tilaabana qaadaynin , waxaad ogaataan inta ay goori goor tahay dhaqaaqa welee waxaad la’argagaxdoontaan ayaad arkidoontaan , meeshan cabdi weli talo kuma hayo, haddana ha ka sugunia ,waxaan uu rabo inuu bedelo waxay soo siyaadinayso oo khayr ah malaha aan ka’ahayn dhibkii oo sii siyaada.

Comments are closed.