Golaha Wasiirada oo Maanta Kawada Hadley Sidii Loo Hubeyn Lahaa Ciidanka Taraafikada

2
145

golahaGolaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa dooday suuro-galnimada sidii loo hubeyn lahaa ciidanka taraafikada, kaddib markii ay Al-shabaab ku hanjabtay inay beegsanayso wixii hadda ka dambeeya.

Ma jiro go’aan ay ka gaareen golaha wasiirrada qorshahan, iyadoo taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Jen. Cali Xirsi Barre uu sheegy in hadallada goodiska ah ee kaga imaanaya Al-shabaab aysan u joojin doonin howlaha ay bulshada u hayaan.

Ciidamada taraafikada ayaa ahaa kuwo aanay xoogagga dowladda ku kacsan beegsan, isla markaana ma ahayn ciidamadan kuwo hubeysan, iyadoo dilka shanta askari ee ciidamadan ka tirsan ay cabsi-geliyeen ciidanku uu jidadka Muqdisho ka waday.

Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Jen. Cali Gab ayaa wsiirrada ka dalbaday inay go’aan ka gaaraan qodobkan si ay uga hortagaan beegsiga ay Al-shabaabku ku hayaan ciidamada taraafikada.

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. koley dadka wadadgna daacad u yihiin haday yihiin hala hubeeyo oo dawlada ay lacgta kaqaataan ay aamin san yihiin waayo dadka qaarkii oo qiyaano uga jira dawlada in ay dhaqaaqin ayaa kabuuxo dhibkaan alshabab kaliya mawado waxaa wado dadkii ka hor yimid sadexda gobol ee dawalada aqoonsatey oo raba in ay jahwareer geliso aqoonsigaasi iyo dhulka ay dadka kula dhegen yihiin lo ogalaado kuwasi ayaa wado qorshahaa magaalada ka socdo sabtoo ah dad nabada dhibto ayaa ka buuxa dawlada kuwaasi hadii indhaha lagu qabto soomaalino looga adkaado ayaa haboon odayashaan maalin cid isku tagayaan dhul oo iygaba ilaahey aan uga talagalin leeyihiin anaa degen waxyar daka nadego ku dhulka iska lahaa ayaa ah dadyar kuwa waxboobo rabana isku sheegaayo in ay kabadan yihiin hadan soomali waxa dan u ah nin welib ilaahey meeshuu u califey in uu aamino oo cadwadaanaan dhamaaneynin ee soomalida ay la soo doonten hakadaayan hadii kale soomaalinimo dhinac aya laga mari doonaa dawlada waxan kula talin lahaa inta aad ku sugantihiin ilalasada wayo gobolada kale sida nabad loola cafurayo fiiriya kuwan mardaba wado iska qabta yan indhaha laistirin odey dhul isga laheen u doodaayo maxay la tahay in dawlad ay aqoonsatey dhulkii dadkii lahaayeen in ay arbushaan ciidimadaan oo micino darirda loo laaynaayo waa kuwa nabada jecel oodawladnimo jecel ee dhulka u dhashey majiraan dilka qolokaliya ayuu ku socdaa soomliyeey kaca iska qabta dulmigaan oo jirsadey 21 sano

  2. kkkkk wasiiro kulaha waa tuuga aruurta axmad diiriye iyo xaad oo kala tihiin oo masaakiinta shabelada hoose dagaal kuqaada siyeey markocadeey u xakumaan

Comments are closed.