Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Sheegey Iney Kenya Ka Caawini Doonaan La Dagaalanka Alshabab

0
37

bankiXoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- Moon ayaa sheegay in wadamada caalamka ay go’aansadeen inay dowlada Kenya kala shaqeeyaan la dagaalanka weerarada ALshabaab ay ka geystaan magaalooyinka dalkaasi.

Wuxuu sheegay in qaramada Midoobay ay taageeri doonto dagaalada dowlada Kenya ay ugu jirto kordhinta hayada amaanka iyo dhismaha awooda ay leeyihiin ciidamada iyo laamaha amniga dalkaasi Kenya.

Wuxuu sidoo kale Ban Ki Moon uu sheegay inay si wadajir ah ay kaga doodeen arimaha dhanka amaanka iyo la dagaalanka Alshabaab, iyo xaaladaha wadamada Soomaaliya, koofur Sudan iyo harada weyn ee gobolka.

Kenya amaanka ayaa qalqal galay waxii ka dambeeyay markii Alshabaab ay weeraro kala duwan ka geysteen dalkaasi, kadib markii ciidamada Kenya ay kusoo biireen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Wadanka ku yaala bariga Africa ayaa sidoo kale wajahay amni la’aan, qaraxyo iyo weeraro kala duwan oo ka dhacay caasimada, magaalo xeebeedka Mombasa iyo gobolka NFD ama waqooyi bari Kenya.

 
Daafeet.Com