Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wuxuu ku mmagacaabay Raisul Wasaara cusub ee Soomaaliya mudane Abdiweli Sh. Ahmed.
Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri” Waxaan magacaabay Cabdiweli Sh. Ahmed oo aan aaminsanahay in uu yahay shaqsiga ugu haboon shaqadaan oo dib u dhiska dalka iyo ka soo kabashada dhaqaalaha sii wadi kara. Waayo aragnimo waxuu u leeyahay dhaqaalaha iyo horumarka oo uu hay’ado caalami ah soo hoggaamiyey.
Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda lagu magacaabay ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kalsoonida uu ku magacaabay waxaana uu tilmaamay inuu Alle ka rajeynayo inuu u fududeeyo waajibaadka horyaala.
Sidoo kale khudbaddiisa ayuu Ra’isulwasaaraha la magacaabay Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbadiisa ku faah faahiyey waxyaabaha uu qorsheynayo inuu qabto marka uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka oo ay ugu horeyso dib u dhiska dalka,sii xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka iyo adkeynta amniga Dalka.
Daafeet.Com