Qaramada Midoobay: Soomaaliya Nabad La Isku Haleyn Kara Kama Jirto

0
25

Jan EliassonKu xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson oo maalmo ka hor soo booqday magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimo kale, Mr. Eliasson waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay nabad ka dhigeen Kismaayo oo uu sheegay inay dhibaatooyin kala duwan soo martay, wuxuuna xusay in xilligan aysan jirin goob nabad ah oo lagu celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya.

“Magaalada Kismaayo dhibaatooyin fara badan ayey soo martay balse markii ay ciidamada Kenya tageen halkaas nabad ayaa ku soo laabatay, runtii haatan waa meel nabadoon, waxaana socda deadaalo lagu dhameynayo madmadow soo dhexglay maamulka Boobland iyo dowladda Soomaaliya, arrinkaasina Kenya qeyb lixaad leh ayey ka qaadaneysaa” ayuu yiri Eliasson oo dhinaca kale dowladda Kenya ka dalbaday inaysan dib u soo celin qaxootiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku sheegay shirkiisa jaraa’id in Soomaliya aysan xilligan aheyn goob nabdoon oo lagu celin karo qaxootiga, iyadoo hadalkiisan uu imaanayo xilli ay wado dowladda Kenya qorshe ay qoxootiga Soomaalida ah dalkeeda uga saarayso, mar uu ka hadlay kordhinta ciidamada AMISOM ee ku sugan Somaliya ayaa wuxuu sheegay in lasoo jeediyay kordhinta ciidamada oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan in la kordhiyo.

Si kastaba Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ka fariistaan shir looga hadlayo kordhinta ciidamada AMISOM iyo tababaridda iyo qalabeynta ciidamada dowladda Soomaaliya, ugu dambeynti Eliasson wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo isbedelka ka jira Soomaaliya, isagoo sheegay inuu aad ugu farxay inuu booqdo Muqdisho muddo dheer kadib.

 Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com