Paddy Ankunda: Ma Aqbalayno in Shakhsiyaad Kooban ay Halis Geliyaan Howlgalka AMISOM

0
32

Paddy AnkundaIllaa afartan askari oo ay ku jiraan saraakiil sarsare kana tirsanaa ciidamada AMISOM ee ka socday dalka Uganda ayaa xabsiga la dhigay iyadoo lagu eedeynayo inay ku kaceen xatooyo, afhayeenka ciidamada Uganda Col Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidamadan oo ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya dib loogu yeeray haatana baaritaan uu ku socdo, isla markaasna ay hadda xiran yihiin, su’aalo ku aadan eedaha loo haystana hadda la weydiinayo.

Ciidamadan ayaa lagu eedeynayaa in ay ku iibiyeen suuq madow raashin iyo shidaal isla markaana ay keydsadeen shidaal taasoo ka dhigaysa in ay halis geliyeen boqolaal ka mid ah ciidamada ugandha ku sugan dalka Soomaaliya sida lagu yiri war ay soosaartay dowladda Ugandha, “Eedeymaha naloo soo jeediyay waxaan u qaadanay si adag,waana mid aan suurtogal ahayn in aan oggolaano in cuntada loogu talogaloay ciidamada la iibsado” ayuu yiri Ankunda oo intaasi ku daray {Ma aqbalayno in dad kooban ay halis geliyaan howlgalka ballaaran ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ay ka wadaan dalka Soomaaliya”.

Mid ka mid ah taliyayaashii hore ee ciidamada ugandha ee howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya  Brig. Michael Ondoga ayaa xabsi furan ku jira isagoo ku sugan dalka Uganda sida uu sheegay Ankunda. Sidoo kale saraakiil kale iyo Ondonga ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda la sootaago  maxkmad Milatari, Brig Dick Olum, oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada Uganda welina ku sugan dalka Soomaaliya ayaa isagu sheegay in uu kanaxay eedeymaha loo soo jeediyay ciidamada Uganda.

Dhowaan ayuu madaxweynaha dalka Uganda la kulmay askar darajo hoose ka haysay ciidamada kana soo laabtay dalka Soomaaliya, askartaas ayaa waxa ay badankood u sheegeen Musaveni in cunto la’aan ay ku haysay mudadii ay joogeen dalka Soomaliya taas oo uu aad uga carooday madaxweynaha Yugandha, Musaveni ayaa ballanqaaday in ciqaab adag ay mudan doonaan askarigii ay ku cadaato inuu ku lugleeyahay falka musuqmaasuqa ah ee lagula kacay ciidamada AMISOM ee dalka Uganda.

Ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan dalka Soomaaliya oo tiro ahaan hadda gaaraya 17,000 ayaa waxaa ay u badan yihiin kuwa ka yimid dalka Uganda waxaana hogaaminaya ciidamada AMISOM  ee soomaaliy jooga Lt. Gen. Andrew Guti, kaas oo aan isagu ka mid aheyn  saraakiisha la tuhmay, inkastoo la sheegay in rag mar ku xigeeno u haan jiray ay liiska askarta loo heysto fadeexadan ay ku jiraan.

Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com