Dhegayso…Deeq loo waday Shabeelaha hoose oo laga badbaadiyay kuwii dhacay.

0
82

boobTaliyaha saldhiga degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho Maxamed Daahir ayaa waxa uu maanta sheegay in deeq ka timid dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga loona waday Barakacayaasha gobolka Shabeelaha hoose ay ku qabteen koox leexsatay raashinkaas.

Maxamed Daahir Taliyaha saldhiga degmada Xamarweyne ayaa sidoo kale sheegay in deeqdaan la boobay ay ka koobnayd Bur iyo Sokor kuna rarnay laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayna ku soo qabteen Bakhaar ku yaal degmada Xamarweyne oo lagu dejinayay deeqdan lasoo xaday.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan dhamaan raashinkii iyo kooxdii dhaca gaysatay intuba.

Halkan ka dhegayso

Unknown Album

Ku dhegayso Mobilkaaga