Mareykanka oo sheegtey Weerarkii shaley ka dhacay Degmada Jilib

0
30

UN-Drones-Dowlada Mareykanka ayaa sheegatay inay qaaday duqeyn ay la eegteen sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab maalintii shalay.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarka bartilmaameydkiisa uu ahaa Ibrahim Cali, oo Alshabaab u qaabilsanaa dhanka sameynta waxyaabaha qarxa, sida masuuliyiinta difaaca Mareykanka ay sheegeen.

Wuxuu ahaa ruux aan in badan raadinaynay”ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay wasaarada difaaca Mareykanka.

Qaar kamid ah dadka degmada Jilib ayaa u sheegay wakaalada wararka inay maqleen dhawaqa qarax xoogan, kaasi oo ku dhacay gaari ay la socdeen saraakiil Alshabaab ah oo kusii jeediyay degmada Baraawe.
Daafeet.Com