Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Bakool oo Eedeyn Iyo Dhaliil Xoogan u Jeediyay Dowlada, Maamulka G/Baay Iyo Xildhibaanada DM

0
36

bakoolGudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed (Tooll) ayaa eedeyn culus u jeediyay dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Guurguurte oo ku aadan wax ka qabasha la’aanta dhibaatooyinka bani’aadan ee ka jira gobolka Bakool gaar ahaan Degmada Ceel-barde.

Gudoomiye Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowlada ay iska iloobeen codsigoodii ahaa in gargaar lala soo gaaro dadka ku dhibaataysan magaalada Ceel-barde.

Tool ayaa sheegay in xiriir ay la sameeyeen maamulka gobolka Baay iyo Odayaasha dhaqanka oo ku aadan in ay kaalin ka qaataan xaalada liidata ee ka taagan Ceelbarde aan ilaa hada dheg jalaq loo siin.

Sidoo kale Gudoomiye Maxamed Cabdi Tool ayaa Jaaliyaddaha Dibada ugu baaqay in gaar gaar lasoo gaaraan dadka ku dhibaataysan Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

 

wareysi gudoomiyaha gobolka Bakool1

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

wareysi gudoomiyaha gobolka Bakool1 Mobil
Daafeet.Com