Dhegeyso: Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Adan Hoosow oo ka hadley arimo badan

0
44

hoosoowShabakadaha Ishabaydhaba iyo Daafeet, ayaa qadka telefoonka la tiigsadey Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow. Gudoomiye Hoosow oo waxbadan ku saabsan arimaha bani’aadanimo ee Gobolada Koonfur galbeed ka wareysanay ayaa tilmaamay in waxbadan la qabtay, mashaariic badana ay ka socdaan gobolka Baay.

Hoosow oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhawaan gobolka Baay laga hirgelin doono xarunweyn oo lagu baran doono umuliso, oo uu sheegay inuu fududeeyay wasiirka Hormarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye, Hoosow ayaa ku nuuxnuuxsaday kuna amaanay in wasiir Maxamuud Macalin Yaxye uu yahay wasiirka kaliya ee marwalba u taagan wax ka qabashada baahiyaha ka jira gobolka Baay.

Mar aan wax ka waydiinay Cabdi Aadan Hoosow xaaladaha liita ee ka jira gobolka Bakool ayuu qiray in xaalada bani’aadan oo aad u liidata ay ka jiraan gobolka Bakool ayna kala hadleen mas’uuliyiinta dowlada.
Hoosow ayaa sheegay inaysan ka jiifin dhibaatada ka taagan Ceelbarde, balse ay horyaalaan howlo badan oo gobolka Baay ah.

Dhanka kale Gudoomiye Hoosow ayaa si ba’an u weeraray warbaahinta iyo Jaaliyadaha qaar ee Koonfur galbeed oo uu ku eedeeyay inay marwalba faafiyaan warar been abuur ah oo meel ku dhac ku ah sharafka shakhsiga.

 

gudoomiye hoosow

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

gudoomiye hoosow Mobil

 

Daafeet.Com