Maxaa kasoo baxay shirkii jaaliyadaha DM ee Scandanavia ey yeesheen

0
28

scandenevianXubno tira badan oo ka kala socday jaaliyadaha DM ee dalalka Skandaneefiyanka (Denmark, Norway , Sweden io Finland ) iyo waddamada kale ee Yurub sida Jarmalka iyo Biljamka, ayaa waxa ay iskugu yimaadeen shir xaga telefoonka ah (tele-conference) kaasoo socday inta u dhaxeysa  1:30 duhurnimo ilaa 6-da fiidnimo ee waqtiga Sweden.

Walow markii hore uusan qorshaha ahayn waxaa iyana mahadi haka gaadhee soo sharfay shirkan xubno ka tirsan jaaliyadaha DM ee Chicago, ee Mareykanka iyo Boossaaso, Beledweyne iyo Badhan (Sanaag).

Waxaa  kaloo isku dayey shirka iney ka qeybqaadaataan xubno Digil iyo Mirele ee Jooga Sacuudiga, hase yeeshee ay u suuurto gali weysay sababo xaga farsamada ah.

Ujeeddada shirka ayaa waxay ahayd sidii looga arrinsan lahaa aayaha DM iyo shirarka ka socda Baydhabo ee lagu dhisayo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo sidii wax loola qaybsan lahaa Soomaalida kale.

Natiijooyinka shirka waxaa ka mid ahaa:  

1- In dhammaan kasoo qaybgalayaasha shirka ay caddeeyeen taageerada buuxda ee ay u haayaan shirka Baydhabo iyo dadaalada ay wadaan oday dhaqameedyada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dhalinyarada, haweenka iyo dhallinyarada DM/Koonfur Galbeed ee ku sugan gudaha iyo inta ka joogta Jaaliyadaha DM ee ka kala yimid daafaha kala duwan ee dunida.

2. In jaaliyadda DM ee Sweden ay hormuud u noqoto jaaliyadaha kale ee Skandaneefiyanka (Denmark, Norway , Sweden Finland) iyo Yurubta kale ayna qaban qaabiyaan sida ugu dhakhsiiyaha badan qabashada shirweyne ay isugu yimaadaan jaaliyadaha DM ee Yurub laguna qabto waddanka Sweden.

Waxaa kaloo la isku raacay in la abuuro sanduuq dhaqaale oo wax loogu qabto, bulshada  Koonfurgalbeeed ee lixda gobol ka kooban.

3. In jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee waddamada Skandaneefiyanka, waddan walba dib isugu noqdaan oo intii kasoo qaybgashay ay gaarsiiyaan jaaliyadahooda. Jaaliyadaha dhisan inay xiriirka sii kordhiyaan inta kalena ay dib isu habeeyaan si jaaliyadahaas u diyaariyaan guddiyadii uga qayb geli lahaa shirarka dambe ee la qaban doono.

4. In laga shaqeeyo TV madaxbanaan oo ay leeyihiin dadka kasoo jeeda Koonfurgalbeed iyo in qof kasta uu isticmaalo qalabka warbaahinta arimaha ku saabsan qadiyadda koonfurgalbeed.

Shirka intii uu socday waxaa khadka taleefonka soo galay  Afhayeenka Gudiga kumeelgaarka ah, ee warfaafinta Kooonfurgalbeed, Mr. Fowzi Abdinuur, oo jooga Baydhabo, kaas oo shirka kasoo jeediay warbixino ku saaabsan halka shirka uu maraayo, iyo weliba taageerada looga baahanyahay jaaliyadaha DM ee Yurub iyo dunida inteeda kale isaga oo amaan gaar ahna u diray jaaliyadda DM ee Australia.

Shirka waxa uuu kusoo dhamaaday Guul, waxa uuna ahaa shirkii ugu horeeyey ee dhinaca taleefoonka eee ka dhaca Qaarada Yurub oo ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha kala duwana  ee  Digil iyo Mirifle ee Qaaradda Yurub,, looguna arinsado arimaha Koonfurgalbeeed ee Somalia.

 

 

Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Sweden, Denmar, Norway, Finland, Jarmalka, iyo Beljim.

GUUL