Inta reer Gedo aan dhiigoodu isku daadan!

9
318

DareenGobolka Gedo oo ka mid ahaa goboladii ugu deganaa tan iyo intii Xarakada Shabaab gacanteeda laga saaray ayaa waxaa haatan soo ifbaxaaya in gobolkii uu maalinba maalinta ka danbaysa uu lugaha lasii galayo dagaal sokeeye oo ay isaga horyimaadaan beelaha wada dega gobolka gaar ahaan Beelaha Digil iyo Mirifle ee reer Gedoodka ah iyo beesha Mariixaan oo isaga kala timid gudaha dalka iyo dowladaha deriska.

Isqabqabsiga haatan gacan ka hadalka isu rogay ee ka jira gobolka Gedo ayaa salka ku haya qaabka ay beesha Mariixaan u rabto inuu noqdo maamulka gobolka kaasi oo ay haatan ka biyadiideen beelaha kale ee gobolka guud ahaan Digil iyo Mirifle si gaar ah.
Gobolka oo ka kooban Todobo degmo ayna haatan xor ka yihiin Shan degmo ayaa maamulkoodu yahay sidan.

1-Caasimada gobolka magaalada Garbahaareey waxaa gudoomiye ka ah Iimaan Cadow Kaarshe oo Mareexaan-Reer Diini ah.
2-Gudoomiyaha degmada Dolowna waa Cabdirashiid Cabdi Nuur oo Mareexaan-Reer Axmed ah.
3-Gudoomiyaha Degmada Luuqna waa Axmed Buulle Maxamed oo Mareexaan-Reer Xasan ah.
4-Gudoomiyaha Degmada Baladxaawo waa Maxamuud Beexaani oo Mareexaan Faqayaquub ah.
5-Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq waa Ibraahin Guulleed oo Gare ah.
Halka Gudoomiyaha Gobolka Gedo-na uu yahay Maxamed Cabdi Kaliil oo Mareexaan,Reer Xasan ah.
Halka labada degmo ee Baardheere iyo Buurdhuubana ay weli gacanta Xarakada Shabaab ku jiraan.

Hadaba waa su’aale beesha Mariixaan ma waxay dooratay inay Riyo maalmeed u dhamaadaan mise Sidii dhalaankii inay dheel-dheel ku dhamaadaan?

Waa dhab in beesha Mariixaan ay maanta ka mid tahay beelaha deegaanka Gedo balse taa micnaheeda ma ahan in ruux kasta oo Mariixaan ah uu yahay reer Gedo sida in badan oo kamid ah Siyaasiyiinta Mariixaan ay wax u dhigayaan taasi oo haday sii socoto keeni doonta colaad caaqibadeeda aan haatan la saadaalin karin.

Marka sow ma haboona inta xaalka uu xaajo taagan yahay ay Mariixaanka reer gurigu garwaaqsadaan in sanadka la joogaahu aanu ahayn1992-dii dadkuna aanay ahayn kuwii Mariixaanku u waabsanaa!

Abdiaziz ShSalah.

9 COMMENTS

  1. Wa dulmi in marexan afardagmo oo qato asigo la ogtahay in mesha ansodajinay oo garad madobe allaha ha unaxaristey sababtisa lagu sodajiyay marka manta ma ahan malinti hore manta wa malinta runta loshegayo hadi ee didana dib logu celinayo barri away gasar gudihi sodajiyay hal xibin xata masinin caqli xumadoda xaranta laga dhargo ayan maqlijirnay xata dolow oo la ogyahay cida kubadan aya nin marexan ah umagacabayan wllhi cabudwaq aya lagu celinay ayan lenahay hadi anahay dm wan sodesanay cid nasijedinkarta majirto ee sidasi ha ugartan marexanka qaxotiga nagu dhex eh

  2. Wat mahadsnthy abdiaziz marixan marka hore anaga ayan soodha wayney hadan wuxuu iska dhigeya inuu leeyahy godo shekadas ma soconeyso

  3. aniga waxaan dhihi lahaa ogolaada in aad dhiig dadisaan kiinanladaadiyo kaas ayaad guul ku gaari kartiin luuq iyo baardheere iyo lamada doolow yaa mariixaan ka telinaayo digil iyo mirifloow meel ceyr ayaa inkugu dhegan ilaa iyo shabeelada hoose meel mariinaan gedo, meel bu,aale iyo saakow ilaa kismaayo maxaaba soo harey markaan ciidaan reer awdigil ilaa 10,000 ah reer awmiriflena 10,000 ayaa ku filan soomaali anagaa ugu badan waadna aragteen dir nama haysatee hawiye iyo darood aan iska celino ,kii nabad rabo hala soo dhoweeyo kii diidana qoorta ha la dhufto ileen xaq dareey ku socdaane,ilaahay iyo diinta ,iyo dhulka ayaa noo hiilinaya.allaahu akbar

  4. digil iyo mirifleha mareexanka xududa la leh aya nafta meel xun ka gashay waayo luuq inta la qabto hadii la wada gubi laha baardheerna sas laga dhigi laha mareexan ukumo meesha ma so dhigteen mida kale 1992 haadi xooga laga gacan sareeyey macnaheda mahan in markasta adiga laga gacan sareeynaayo waayo mareexan markas dowlad ayuu ahaa genraalo iyo corneelo badan ayuu lahaa,,, lakin maanta la jogo walhi mareexan inusan ku aadin macalinweyne iyo luwaay iska dhafe digil iyo mirifle oo dhan inu degmooyin ka haysto,,,,,,,,, marka af wax ma taro nafta an ogolaano walhi waa arki doontan mar

  5. Waryaada dulmiga daayaa. Sheekadan waa tii intaydan ka fiirsan sidii 1991 oo Aad General CAydiid tageero kusii siiseen si dadka deriskiina ah ku loo xasuuqo, oo aaqiirkii dambe General Aidid City of Died idinkiiba idinka dhigay. Meel walba dalka waa la wada degan yahay, idinka unbaa ka sheekeeya Mareexaan waa sidan iyo Marexan hala laayo, Adeerayaal dagaal hadaad rabtaan imaada, walee la isma yaqaan.

  6. sxbyaal DM waa dad liita fulayaalna ah geeridana aan ogoleyn Gedo Ceelwaaq Garre wuu difaacdey isagaana gudoomiye ka ah luuq hadey macalinweyne ku dagaalamaan mariixaanka waa hubaal gudoomiye waa Isaaq hoorow lkn wlhi hadii la diido dhimashada waligeed waa la heysanaa sida shabeelada hoose qeebta DM loo heesto Biimaalna xor yahay

  7. asc dhaman bulshada somaliyed garahan beelaha isku haya gedo een marka hore alle ka cabsada marka xiga wanag wax ku raadiya majogno xiliigi aan anagu is dagali laheyne mida kale mareexan iyo jareer dagashay wax faa,ida noguma jidho

  8. illaah aan kabaqna mar ka hore wax lagu dagalama mayaalan meesha hadii ad tahay qof Islam ah oodna taqaana cabsida illaah walina aad rumeysan rahay Xabibkena mohamed CSW
    waxa sad kuwadan am a aad ka dhax shideyssaaan hala jooji wayo balaaya buulkaga laga galaaa

  9. balse mareexan waa dadka kaliye inoo xureeya gada mana ahan inaan kahor imana cidi doneysa in gedo ka bilaawda mucarad waxan dhihi lahaa meesha haku hoogin

Comments are closed.