Tiro Xildhibaano ah oo kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay maanta booqdeen degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose si ay ugu kuur galaan xaalad nololeedka dadka ku dhaqan degmada Afgooye.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ka mid ahaa Xildhibaanadii booqday Afgooye ayaa sheegay inay wada socdeen Xildhibaano uu ka mid yahay Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan(Cali Geney) Xildhibaanadan booqday Afgooye ayaa waxay aad uga dayriyeen xaalada ay ku nool yihiin reer Afgooye.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo inoo waramay ayaa sheegay in guud ahaan gobolka Sh/hoose uu ka liito adeegyada bulshada ayna ugu daran tahay degmada Afgooye kuwaasi oo uu sheegay in dowladda aysan waxba u qaban.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali waxa uu xusay in waxyaabaha ay kusoo arkeen gobolka ay u gudbin doonaan Hay’adaha fulinta ee Xukuumadda si ay wax uga qabtaan.
Halkan ka dhegayso
Masha allah waa gul g/shabelada hose mar hadii ay tagen xilibanadi kasojeday waa wax ad usugaynay in ay yimadan xilibanada sharafta waad mahadsantihin ayan lenahay inta dhiman dhamestira
salaan ka dib aniga waxaan dhihi lahaa qof walba gobolkuu ka soojeedo maa ciidan looga dhigo hadiiba la yiri dowlada federal waye teeda kale hasan safaroow wuxuu ka warqabaa bes muqdisho. magaca dadkana wuu ku shaqeeya dhulka digil iyo mirifle sidda freega loogu bixiyo ayuu garanayaa .
Comments are closed.