Ra'isulwasaraha Xukumada Somaliya oo socdaal ku tegey Dalka Yeman

0
164

abdi shirdomWafdi uu hogaaminayo Ra’iiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa gaaray Magaalada Sanca ee dalka yemen.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa in madaxda dalka Yemen uu kala hadli doono arimaha ku aadan qxootiga Soomaalida dalkaasi Yemen.

Waxa uu sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dalka yemen kala hadli doonaa arimaha xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Yemen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta adkeynta xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya wadamada deriska ah,iyadoo Yemen dhawaan Soomaaliya ay ugu yaboohday deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah.

 

Daafeet.Com