Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Madaxweynaha oo ku hormaray ka hadalka xariga Sheekh Aweys ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir uu u xiran yahay dowladda Soomaaliya ayna su’aalo weydiinayaan ciidamada ammaanka dowladda iyo hay’adaha cadaaladda dalka.
“Sheekh Xasan Daahir waa nin la garanayo nin hoggaamiye ah, muddo badanna dagaalladii dalkaan ka dhacay kusoo jiray, Soomaaliya iyo meelo kale oo dunida ahna eedeymo looga haysto. Howshii uu kusoo jiray ayaana laga wareysanayaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan haddan oranayn waa dambiile, maxkamad ayaa lasoo taagayaa waa la dilayaa iyo wixii la mid ah, balse markii ay baaritaannadu dhammaadaan la shaacin doono go’aanka ay ka qaadatay dowladda Soomaaliya.
“Aweys wuxuu ku jiraa liisas badan oo caalami ah, waxaana socda sidii looga hadli lahaa, haddana wuxuu 100% gacanta jiraa dowladda Somalia iyada ayana mas’uuliyadiisa dhabarka saaratay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Daafeet.Com