Kulanka Dib u Hishiisiinta Somaliya Iyo Somaliland oo maanta ka furney Istambuul

0
110

Kulan-Soomaaliya-iyo-SomalilandWafdiyada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta bartamaha Istanbul kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Ahmet Davutoglu.

Wejiga labaad ee wada-hadallada u socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya dalka Turkiga.

Kulanki maanta wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka ganacsiga ee Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar iyo Xildhibaano.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in dowladdiisu ay mar kasta tixgelineyso ajandayaasha labada dhinac ee wada-hadallada.

Ahmet Davutoglu wuxuu sheegay in Turkiga ay mas’uuliyad ka saaran tahay caawinta Soomaaliya.

 
Daafeet.Com